4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku baxay daminta colaadda Saax-maygaag


Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilimi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay u hoyday degmada Boocame oo ku dhow deegaanka Seex-maygaag oo ay ka jirto colaad u dhexaysa labo beelood oo kasoo kala jeeda gobolada Nugaal iyo Sool.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa halkaas u tagay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa colaadda u dhaxaysa labada beelood ee walalaaha, kuwaas oo dagaalkoodii ugu dambeeyay ee doraad dhexmaray ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 qof.

Axmed Karaash ayaa sheegay in uusan soo laaban doonin illaa heshiis rasmi ah laga gaaro colaadda, isagoo sheegay in gogol nabadeed loo dhigay labada beelood ee walaalaha ee teer iyo sannadkii hore dirir ka dhaxsaysay.

Colaadda ka dhexaysa labada beelood ayaa waxay salka ku haysaa muran ka dhashay deegaamaynta Saax-maygaag iyo Sange-jebiye oo ah labo deegaan oo kuyaala inta u dhaxaysa tuulada Birta oo laga xukumo magaalada Garowe iyo degmada Boocame.

Odayaasha horey ugu jiray daminta colaaddaan ayaa sheegay in gacmo shisheeye oo hurinaya colaadda ay ku kala dhex jiraan labada beelood, waxayna tilmaameen in aanay siyaasad ka marnayn.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online