4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Raysal wasaare Rooble oo golihiisa wasiiradda ka mamnuucay in ay wax heshiis ah galaan uguna digay musuq maasuq

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hay’addaha dowladda uga digay in ay ku tagrifal ku sameeyaan hantida dowladda oo ay gacanta ku hayaan.

Raysal wasaaraha oo ka hadlayay shirka golaha wasiiradda ee maanta ayaa golihiisa wasiiradda ka mamnuucay waqtiyada doorashada lagu jiro inay galaan heshiisyo aan loo baahnayn oo degdeg ah.

“Waa in aan iska jirnaa in aan si qaldan u isticmaalno hantida qaranka, oo aanan galin heshiisyo aan loo marin sharciga. Waa inaan aad u taxadarnaa kana feejignaanaa,” ayuu yiri raysal wasaare.

Raysal wasaaraha ayaa u sheegay golaha wasiiradda iyo dhammaan hay’addaha dowladda in aysan jirin cid sameyn karta xil ka qaadis ama magacaabis aan fasax looga haysan xafiiskiisa.

“Qalad wuu dhici kara, waana lagu degdegi karaa, yaanay dhicin xil ka qaadis iyo magacaabis. Sababta aan saas u leeyahay wax kale ma ahan,  xilli gabagabo ah ayaa lagu jiraa, ma ahan qof qof ciil u qabo ama qof qof beegsanaya inaysan dhicin,” ayuu yiri Rooble.

Raysal wasaare Rooobe ayaa dhinaca kale faray agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha in ay u hoggaansamaan awaamiirta kasoo baxda wasiiraddooda, una  arkin xilligaan lagu jiro in ay ku tagri fali karaan wasiiraddooda.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo aadaya xilli maalmahaan uu khilaaf ka taagan yahay heshiis qandaraas ah oo wasiirka ganacsigu la galay shirkad gaar ah, isagoo u saxiixay qandaraaska hubinta tayo dhowrka badeecadaha kasoo dega dekeda Muqdisho.

Wasiirka ganacsiga ayaa agaasimaha tayo dhowrka shaqada uga joojiyay kadib markii ka hor yimid heshiiskaas. sidoo kale hanti dhowrka guud ee dalka ayaa sharci darro ku tilmaamay heshiiskaas.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online