4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 13, 2022
Guddiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyay qabashada 5 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Khamiis, Janaayo, 13, 2022 (HOL) - Guddiga hirgelinta doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in dhawaan ay qaban doonaan doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay jadwalka doorashada shanta kursi ay soo bandhigeen oo ka mid ah 11 kursi oo uu guddiga hor u shaaciyay 01.01.2022,

Kuraasta guddiga doorashada Koofur Galbeed shaaciyeen ayaa sumadoodu kala tahay HOP, 184, HOP, 85, HOP, 156, HOP 176, HOP 45, waxaana diiwaan gelintooda kuraastaan ay bilaabaneysa maanta oo Khamiis ah sida jadwalka ku cad, islamarkaana doorashada kuraastan waxay dhici doonta 18.01.2022 oo ku beegan Talaadada soo socota.

Hoos ka akhriso Jadwalka Doorashada Guddiga Koofur Galbeed Shaaciyeen.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online