4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Guddoomiyahii Guddiga Hirgelinta Doorashada Maamulka Galmudug oo xilkii laga qaaday
 

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Kulan aan horay loo sii shaacin oo ay isugu yimaadeen Maanta xubno ka tirsan guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug ayaa waxay xilka qaadis ku sameeyeen guddoomiyahii guddigaas Maxamed Daahir Guuleed.

Xubnaha guddiga doorashada Galmudug ee xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahii guddiga ayaa cod gacan taag ah xilkii uga qaaday, islamarkaana guddoomiye cusub waxay u doorteen xoghayahii hore ee guddiga doorashada Galmudug Maxamed Qaasim Maxamuud oo sidaas ku noqday guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashada Galmudug.

Guddoomiyaha xilka qaadista lagu sameeyay Maxamed Daahir Guuleed ayaa dhankiisa been abuur ku tilmaamay xilka qaadista lagu sameeyay, islamarkaana aysan jirin wax kulan ah oo ay maanta isugu yimaadeen guddiga hirgelinta doorashada maamulka Galmudug.

Arintaan ayaa noqon karta caqabad hor leh oo kusoo korartay howlaha doorashooyinka oo loo balansan yahay in mudo kooban lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, waxaana xusid mudan in doorashadii ka dhacday Galmudug ee Golaha Shacabka ay aheyd mid lagu tilmaamay xulasho oo aad looga cabasho looga muujiyay.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online