4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 12, 2022
Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo sheegay inaysan ka tanaasulayn xaq u raadinta qowmiyadda Oromo

Arbaco, Janaayo, 12, 2022 (HOL) - Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo kamid ah xisbiga OFC ee Oromo ee dhawaan xabsiga laga siidaayay, oo shir jaraa'id qabtay ayaa dowladda Itooboya ka codsaday, in xal nabadeed laga gaaro colaadda Itoobiya, isla markaana dowladda iyo TPLF miiska wada hadalka isugu yimaaddaan.

Xubnahan ayaa sidoo kale dowladda dhexe ka codsaday, in baadhitaan dheeri ah lagu sameeyo dadkii ka dambeeyay dilkii fanaankii Oromo ee Hachalu Hundessa, oo ilaa hadda dad badan oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromo, aysan ku qanacsanayn baadhitaannadii ay dowladdu samaysay ee ku saabsanaa dilkii fanaanka  Hachalu Hundessa.

Waxa kale oo ay sheegeen inaysan marnaba ka tanaasulayn, xaqa iyo u doodidda xuquuqda qowmiyadda Oromo, taas oo inbadan ay dhibaato usoo mareen, markii dambena xarig u galeen.

Jawhar Maxamed iyo Baqale Gerba oo labaduba ku jiray dad ay dowladdu maalmo ka hor xabsiga ka siidaysay, ayaa waxay inta badan u doodaan xuquuqda qowmiyadda Oromo ee ay kasoo jeedaan iyagu, iyagoo siyaasadda dalka Itoobiyana meel adag kaga jira.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]