4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 10, 2022
Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay heshiiska dhameystirka doorashada. Kana digtay in carqalad cusub la abuuro

Isniin, Janaayo, 10, 2022 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay in golaha wadatashiga qaran ay heshiis ku gaareen hannaanka doorashada iyo dardar gelinta doorashada Golaha Shacabka.

UNSOM ayaa qoraal ku sheegtay muhiimaddu in ay tahay in  la dhaqan geliyo go'aamadan si loo gaaro natiijo lagu kalsoonaan karo oo si weyn loo wada aqbalay  ugu dambayn 25 February.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale ku boorisay madaxda Soomaaliya inay ka fogaadaan wax kaste oo abuuri kara xiisado cusub ama khilaaf cusub ka dib go'aankii Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa in la caddeeyo hannaanka Doorashada.

Golaha wadatashiga ayaa shalay Muqdisho ku gaaray heshiis ku saabsan dhameystirka doorashada aqalka hoose oo hakad uu ku yimid kadib markii uu khilaaf siyaasadeed hareeyeeyay doorashada.

Khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kala qeybsanaan guddiyada doorashada ayaa weli saamayn ku yeelan karta dhamaystirka doorasho hufan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online