4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Guddoomiye Aadan Madoobe oo lagu eedeeyay inuu hakiyay mooshin ku saabsanaa xaaladda Laascaanood
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Xildhibaan Sahro Bundubte oo katirsan barlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeysay guddoomiyaha barlamaanka, Aadan Madoobe inuu hakiyay mooshin ku saabsanaa qalalaasaha ka taagan magaalada Laascaanood.

Xildhibaan Sahro Bundubte oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay, in ka badan 20 xildhibaan inay diyaariyeen mooshin ah in barlamaanku wax ka yiraahdo dhibaatada ka taagan Laascaanood iyo xalkeeda.

Xildhibaannadu waxay sheegtay inay tahay wax laga xumaado in barlamaanka Soomaaliya uu ka aamuso dhiigga ku qubunaya magaalada Laascaanood.

Sahro waxay ku eedeysay Somaliland inay ciidankeeda si toos ah u bartilmaameesanayaan shacabka ka mudaharaadaya dadka rayidka ah ee lagu dilo gobolka Sool.

“Mooshinbaa la keenay, waxaa laga hadli lahaa sida xaaladdu tahay, maxaa taagan, dadkaan yaa laynaya, maxaa loo laynayaa, maxay tahay sababta, intaas ayaa la rabay in laga hadlo," ayay tiri.

Xildhibaanku wuxuu xaq u leeyahay inuu codkiisa ku cabiro barlamaanka. Waa inuu guddoomiyuhu dhabar adayg u muujiyaa kala aragti duwanaanshaha xildhibaannadda,” ayay ku dartay.

Hadalka xildhibaannada ayaa kusoo aaday xilli magaalada Laascaanood uu ka socdo mudaharaad looga soo horjeedo joogitaanka Somaliland.