4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay xaalada Magaalada Laascaanood
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida uu booliisku uga jawaabay mudaharaadada Laascaanood.

Cirro ayaa xukuumada ugu baaqay in ay dhagaysato dareenka shacabka reer Laascaanood, isla markaana ay amaankooda sugto, dadka waxdilayana wax laga qabto.

"Xukuumadda wakhtigeedu dhammaaday waxa aan ugu baaqeynaa in aan shacbiga dareenkooda cabiraya ee reer Laasacaanood aan xabad iyo xoog toonna loo adeegsan, waa in dareenkooda la dhageysataa, amnigooda la sugaa, dadka wax laynaya gacan adag wax laga qabtaa" ayuu yidhi Cirro.

Waxa uu sheegay in anay xisbi ahaan aqbalayn sida xukuumadu uga jawaabtay dibadbaxyada, wuxuuna sheegay in waxa Laascaanood ka dhacay ay lamid tahay wixii dhacay wakhtigii mudaharaadadii mucaaradka.

"Ma aqbalayno xisbi ahaan iyo ummad ahaanba in bulshada awoodda ciidanka loo adeegsado, wixii ka dhacay 11kii August Hargeysa, Burco, Ceerigaabo ayaa maantana Laasacaanood ka taagan, waa arrin qarranimada laf-jab ku ah, walaalnimada wax yeelaysa" ayuu yidhi Cirro.

Dadka reer Laascaanood ayuu ugu baaqay in ay is dajiyaan, nabadgalyada dhowraan, kuna fara adaygaan, isla markaana ay ka taxadaraan dadka xaaladooda dabka kusii shidaya, ayna ilaashadaan wada-jir kooda.

"Waxa aan ugu baaqayaa dadka reer Laasacaanood ee gobta ah ee xariirta ah in ay is xakameeyaan, walaalayaal nabadgelyadiina dhowrta, xasilloonidiina ku fara adayga, isla markaana ka taxaddara darafyada dabka ku sii shidayana xaaladda taagan oo ilaaliya wada-jirka umadda iyo wax wada-lahaanshaha" ayuu yidhi Cirro.

Ugu dambeyn, xukuumada, golayaasha guurtida iyo wakiilada, culimada iyo indheer garadka Somaliland ayuu ugu baaqay in ay xaalada si dhakhso ah wax uga qabtaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]