4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 30, 2022
Tartan Ciyaareed Kubadda Cagta ah oo Baledweyne uga furmay Ardayda Jaamacadda Hiiraan


Jimco, December, 30, 2022 (HOL) - Waxaa Shalay galinkii dambe garoonka kubadda cagta ee loo yaqaano Jaayga ee magaalada Baledweyne tartan ciyaareed xiisa badan uu uga bilawday ardayda wax ka barata Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Hiiraan.

Tartankan kubadda cagta ee u bilawday ardayda Jaamacadda Hiiraan ee magaalada Baledweyne oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka sare ee Jaamacadda waxaa kulanka ugu horeeyay Shalay u daahfuray Kuliyadaha Department Labarotory iyo Department BA Professor Axmed Cilmi oo ka mid ah maamulka sare ee Jaamacadda Hiiraan.

Professor Axmed Cilmi oo goobta ka hadlay ka hor inta aysan ciyaarta bilaaban ayaa sheegay in muhiimada tartankan ugu qabanayaan ardayda Kuliyadaha Jaamacadda Hiiraan iney qeyb ka tahay is dhaxgalka ardayada kala duwan ee wax ka barata Jaamacadda Hiiraan faraceeda magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ciyaarta dhexmartay Shalay Kuliyadaha Department Labarotory iyo Department BA, oo aheyd mid aad u xiiso badan aya labada dhinacba ay kusoo bandhigeen ciyaar aad u wanaagsan, waxaana ciyaartaasi ay ku soo idlaatay laba gool oo ay guusha ku raacday ardayda Kuliyadda Department Labarotory iyo hal gool oo ay la yimaadeen  Department BA.

Ugu dambeyntii Ardayda wax ka barata Jaamacadda Hiiraan ayaa dhankooda sheegay iney si weyn ugu faraxsan yihiin in loo qabto tartan ciyaareed kubadda cagta Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda.