4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Xukuumada Somaliland oo bixinaysa magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii Laascaanood


Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ay bixinayso magta dadkii ku dhintay mudaharaadkii Laascaanood ee 27 December.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa sheegay in ay la kulmeen ehelada dadkii ku dhintay mudaharaadka, isla markaana ay xukuumadu bixinayso magta iyo xabaala qodka dadka dhintay.

"Waxa aanu kulan la qaadanay ehelada dadkii ku dhintey mudaharaadkii Laas-canood, waxaanu dawlad ahaan ehelada siinay aaskii AHU marxuumiintii ku dhintey mudaharaaddka, sido kale waxa ay dowladdu Somaliland balan qaadey in ay bixinayso magta AHU dadkii dhintey" ayuu yidhi Wasiir Koore.

Isku dhac dhexmaray ciidanka booliiska iyo dibadbaxayaal ka cadhacaysan dilalka ka socda Laascaanood, ayaa sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 9 qof oo kale.

Xukuumada Somaliland ayaa xal u la dilalka sida joogtada ah uga dhacaya gobolka, iyadoo shacabka gobolku ay dalbanayaan xukuumadu sugto amaankooda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]