4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Madaxweynaha dalka Jabuuti oo Maanta Khudbad ka hor jeedinaya Baarlamaanka Soomaaliya
 

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo Shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu Maanta khudbad ka hor jeediyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Xildhibaanada labada Gole ayaa Xalay loo diray fariimo lagu wargalinaayay iney soo xaadiraan kulan ay yeelanayaan labada Aqal, islamarkaana uu khudbad ka jeedinayo madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ku sugan xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa oo lagu wado inuu madaxweyne Geelle uu ka jeediyo khudbad dhinacyo badan taabaneysa oo ay ka mid yihiin dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab iyo iskaashiga labada dowladood.

Madaxweyne Geelle ayaa waxaa maalintii labaad u xiran dhamaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho, taasoo looga gol leeyahay adkeynta amaanka magaalada sida ay warbaahinta u sheegeen laamaha amaanka dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle ayaa Maanta lagu wadaa iney xariga ka jaraan xarunta Akadamiya Goboleedka Afka Soomaaliga ee (AGA), taasoo labada madaxweyne ay dhagax dhigeen 21-kii Febraayo ee sanadkii 2015-kii.