4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 29, 2022
Mudaharaado maalintii saddexaad ka soconaya Laascaanood
 

Khamiis, December, 29, 2022 (HOL) - Mudoharaado lagaga soo horjeedo dilalka qorshaysan ee lagu laayay qaar kamid ah haldoorkii gobolka Sool, ayaa saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood.

Dadweyne cadhaysan ayaa wadooyinka ku jaray dhagaxaan, sidookale, waxay gubayaan taayiro, ganacsiga magaalada, ayaa gabi ahaanba xidhan saaka, iyadoo ay shacabku codsanayaan in wax laga qabto dilalka lagu beegsanayo haldoorka gobolka.

Mudaharaadada ayaa bilaabmay 27 December kadib markii dablay aan la aqoonsani toogasho ku dishay Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi, oo ka tirsanaa masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee gobolka, markaasi oo 3 qof ku dhinteen 9 kalena ku dhaawacmeen isku dhac dhexmaray booliiska iyo dad cadhaysan.

Madaxweynaha Somaliland oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa ku baaqay in talaabo adag oo wada-jir ah la qaado si xal buuxa loogu helo dilalka loo maaro waayay ee lagu beegsanayo shacabka gobolka.

Qaar kamid ah masuuliyiinta xilalka ka haya xukuumada Somaliland ee gobolka kasoo jeeda ayaa is casilay, iyadoo kooxaha kubada cagta ee Xidigaha Cirka iyo Asluubta oo Hargaysa u joogay ka qaybgalka Tartanka Horyaalada Somaliland, ay joojiyeen ciyaarihii ay yeelan lahaayeen.

Xukuumada Somaliland oo dadaalo badan u gashay suguda nabada Laascaanood, ayaan wali ku guulaysan in ay hesho cida dhabta ah ee ka danbaysa dilalka shacabka lagu gumaadayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]