4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool oo isu casilay dilalka Laascaanood ka dhacay dartood
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool, ayaa is casilay kadib markii uu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto dilalka lagu beegsanayo dadka shacab ka ah.

Garyaqaan Maxamed Aadan, oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii gobolka Sool, ayaa la sheegay in uu baneeyay xilkii guddoomiye ku xigeenimo, kadib markii  uu maamulkiisu ku guuldaraystay in uu wax ka qabto dilalka lagu beegsanyo haldoorka gobolka.

Kadib dilkii habeen hore magaalada loogu gaystay Cabdifataax Cabdillaahi Cabdi (Hadraawi), oo ka tirsana xisbiga WADDANi, dadweynaha Laascaanood ayaa sameeyay mudaharaado rabshado wata, iyadoo la sheegayo in mudaharaadada uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Xukuumada Somaliland ayaa sannadkii hore samaysay dadaalo lagu soo celinayo nabadgalyada Laascaanood, iyadoo dhawaana booliisku sheegay in lasoo qabtay koox kamid ah budhcada dadka magaalada ku laysa, lakiin dilalkii ayaa wali sii socda.

Mucaaradka Somaliland, xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada iyo dad kale oo reer Somaliland ah ayaa xukuumada ugu baaqay in ay xal kama danbaysa ka gaadho amni darada Laascaanood.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]