4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo xaqiijiyay in ciidamada Eritrea ay dhawaan ku biirayaan howlgallada Shabaab dalka looga xoraynayo
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Ciidanka lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dalka dib ugu soo laabtay todobaadkii hore, ayaa dhawaan ku biiridoona dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay taliyaha Ciidanka milatariga General Odawaa Yuusuf.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka ma uusan sheegin gobolada la gayn doono. Hase yeeshee wuxuu tilmaamay in ciidamadan ay kaalin mugleh ka qaadan doonaan in Shabaab laga xoreeyo dhul badan oo hadda gacanta ugu jira.

Weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii kordhay iyadoo ciidamadu ay la wareegeen magaalooyin muhiim ah. Alshabaab waxay hadda qarka u saaran yihiin inay lumiyaan guud ahaan gobolada dhexe, sida Mudug iyo Galgaduud.

Dhinaca kale, dowladda federalka Soomaaliaya iyo dowlad goboleedyada ayaa Muqdisho uga wada tashanaya sidii ay isaga kaashaan lahaayeen dagaalka lagu jiro Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada Shabaabka dhulkooda ay haystaan si degdeg ah looga dulqaadidoono islamarkaana dowladdu aysan marnaba shaqo kale ku mashquulidoonin illaa Shabaab laga nadiifiyo dhulka ay haystaan.