4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 21, 2022
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo sharaxay cida ka taageerta duqeymaha diyaaradeed ee qeybta ka ah howlgalada Al-shabaab
 

Arbaco, December, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinaayay Talefashinka Universal ayaa ka hadlay cida dowladda Soomaaliya ka taageerta duqeymaha dhanka cirka ah ee laga fuliyo deegaanada ay shabaab ku sugan yihiin.

Wasiirka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in duqeymaha cirka ah ay dowladda Soomaaliya ka taageerto dowladda Mareykanka oo aysan jirin dowladda kale oo ka qeyb qaata howlgalada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Shabaab.

Mar wax laga weydiiyay in diyaaradaha dowladda Turkiga ay qeyb ka yihiin duqeymaha laga fuliyo goobaha Shabaabka ku sugan yihiin ayuu sheegay wasiirka ineysan qeyb ka aheyn diyaaradaha Turkiga.

"Aniga waxaan ogahay in diyaaradaha Mareykanka ay ciidankeena ka taageeraan goobaha duqeymaha laga fulinaayo oo ma arkin diyaarad Turkiga leeyahay oo qeyb ka ah howlgalada duqeynta ah ee lagu beegsado goobaha Al-shabaab ku sugan yihiin" ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadr Maxamed Nuur.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo uu horay warbaahinta ugu sheegay Wasiirka arrimaha Gudaha Soomaaliya in diyaaradaha dowladda Turkiga ay qeyb ka yihiin dowladda Soomaaliya ka taageera dhanka duqeymaha diyaaradeed ee howlgalada ka dhanka kooxda Shabaab.