4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 21, 2022
Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ka jawaabay eeddeymo loosoo jeediyay
 

Arbaco, December, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Col. Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Jawaab ka bixiyay Kiis hadal hayn badan ka dhex abuuray baraha bulshada, oo dhawaan maxkamaddu riday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay maxkamadda ciidamadu ku saxan tahay xukun dil ah oo dhawaan lagu riday  nin katirsan Alshabaab oo loo haystay inuu ka dambeeyay shaqaaqo ka dhacday Ceelasha Biyaha oo uu ku geeriyooday wiil dhallinyaro ah.

Guddoomiyaha maxkamaddu wuxuu wax kama jiraan ku tilmaamay cabashada iyo eedda ehelada marxuumka, kuwaas oo saxaafadda ka sheegay in askari katirsan ciidanka Taraafikada uu ka dambeeyay dilka wiilkooda, islamarkaana qofka loo xukumay uusan ahayn qofkii saxda ahaa ee kiiskaas geystay.

Col, Shuute wuxuu sheegay in dowladdu soo qabatay nin Shabaab ah oo ka dambeeyay shaqaaqo rasaasayn ah oo lagu beegsaday ciidamada Taraafkada, oo xilligaas ku howlanaa shil Bajaaj oo ka dhacay deegaanka Ceelasha biyaha.

Shuute wuxuu sheegay in shaqaaqadaas uu ku geeriyooday Maxamed Xaashi Faarax. Wuxuu kaloo sheegay inay Alshabaab sheegteen falkaas.

Wuxuu sheegay in baaris loo xiray askarta Taraafikada, kuwaas oo mid kamid ah lagu eedeeyay inuu xabbadaha dilka geystay riday, balse wuxuu guddoomiyuhu sheegay in muddo kadib ciidanka nabad sugida ay howlgal kusoo qabteen Cabdinaasir Cusmaan Nuunow oo katirsan Alshabaab, qirtayna inuu falkaas geystay.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in siyaasiyiin iyo odayaasha qabaa’ilka marxuumka ay fara galin ku hayaan xukunka maxkamaddu riday. Isagoo sheegay in go’aanka maxkamadda uusan waxba ka beddelidoonin.