4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 21, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Nabadoon lagu dilay magaalada Muqdisho

Arbaco, December, 21, 2022 (HOL) - Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa Xalay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdsho ku dilay Nabadoon Xirsi Cali Diirshe oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ah degmada heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dableyda ayaa Nabadoonka waxay toogteen isagoo kasoo baxay Masajid uu kusoo Tukaday Salaadi Cisha, kuwaas oo rasaas kala dhacay marxuumka qeybaha sare ee jirkiisa, dabadeedna waxay si deg deg ah uga baxsadeen goobta ay ku dileen marxmuumka.

Meydka marxuumka waxaa goobta ka qaaday ehaladiisa, waxaana halkaasi mudo kadib gaaray ciidamo ka tirsan kuwa amaanka degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho oo sameeyay howlgalo baaritaano ah, hayeshee lama sheegin cid ay uso qabteen falkaasi.

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka Nabaddoon Xersi Cali Diirshe oo ay sheegeen inuu kamid ahaa masuliyiinta maamulka degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka maamulka iyo laamaha amaanka degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir oo ku aadan dilka Nabadoon Xirsi Cali Aadan.