4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 20, 2022
Dad lagu laayay degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay iyo dowlad degaanka Soomaalida oo arrintaa jawaab ka bixisay
 

Talaado, December, 20, 2022 (HOL) - Inta la xqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii shacabka degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay ay ka gadoodeen ceel biyood ay dowladdu ka qodi lahayd tuulada Xodey gaajo oo kamid ah degmada Shilaabo.

Sida goobjoogayaal u sheegeen Warbaahinta dhibaato ka dhalatay gadoodkii ay shacabku halkaa ka sameeyeen, oo ay iska hor yimaaddeen Ciidankii Liyuu Booliska ayaa rasaas ay fureen Liyuu Boolisku waxaa ku geeriyooday labo qof oo shacab ah oo ku kala geeriyooday tuuladan uu dhibku ka billowday iyo degmada Shilaabo oo ay dhibaatadu gaadhay.

Cabdirisaaq xaaji Ibraahim oo kamid ah odayaasha degaanka oo dhiniciisa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Riigga ay dowladdu ka qodayso goobtan ay tahay meel xoolo daaqeen ah oo u dhaw meel biyo leh, oo aan kusoo baxayn in ceel laga qodo, sidoo kalena ceelkan aan lagu qodin rabitaanka dadka tuuladan dega ee lagu qodayo rabitaanka dad kale oo tuulo kale deggan.

Oday dhaqameedkan waxa kale oo uu sheegay in tuulooyinku iyo degmooyinku ay kala leeyihiin ceelasha oo aysan qolo qolada u gudbaysa waa siduu hadalka u dhigay Cabdisaaq xaaji Ibraahim oo kamid ah odayaal dhaqameedka degaanka.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Cabdirisaaq in Odayaal dhaqameed dhawr ah oo ay degmada Shilaabo u dirtay dhinaca dowladda si ay cabashadooda ugu gudbistaan dhinaca xukuumadda degaanka in lagu xiray Odayaashii magaalada Qabridahare, isla markaana wakhti xaadirkan aysan jirin cid kale oo xukuumadda ula hadasha.

Geestooda xukuumadda degaanka Soomaalida oo arrintan ka hadashay ayaa sheegtay inay ugu horreyn ka xun tahay waxa goobtaa ka dhacay, balse war aan jirin loo sheegay shacabka degmada Shilaabo oo ah in deegaamayn cusub la wado oo dad kale lasoo dejinayo goobtan ceelka laga qodayo, taasina aysan waxba ka jirin waa siduu hadalka u dhigay Hoggaanka Nabadgalyada ee degaanka Soomaalida Dayib Axmed Nuur.

Waxa kale oo hoggaanku xusay in goob gadood ka dhacay ay dhibaato aan loogu talagalin ay ka dhacayso, dadkii gadoodka sameeyayna qaarkood qoryo wateen oo la weeraray Askarta sidaasi darteedna dhimashada iyo dhaawacu ku yimid.

Isu soo duuboo dhacdadan ayaan ku cusbayn degaanka, waxaa marar kala duwan horey u dhacday in sidan oo lale dhibaato uga dhalato goobo ay isku qabsadaan beelo walaalo ah oo wada dega hal gobol ama hal degmo, oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.