4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 20, 2022
Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka gobolka Hiiraan
 

Talaado, December, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta ee ku sugan deegaanka Tareshante oo dhinaca Koonfureed magaalada Baledweyne kaga beegan qiyaastii  27 KM ayaa waxaa isku soo dhiibay sarkaal ka tirsanaa dagaalamayaasha Ururka Al-shabaaab.

Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdi Xasan Ibraahin, kaasoo Al-shabaab u qaabilsana dhanka Gaadiidka kana mid ah kooxda mudo 6 sano ah.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Maxamuud Xasan Ibraahin Baakaay oo ka hadlay isa soo dhiibista sarkaalkaan Shabaabka ka midka ahaa ayaa ugu baaqay kuwa la midka ah ee wali u dagaalamaya kooxda Shabaab iney fursad heystaan oo ay isa soo dhiibi karaan.

"Waxaan ugu baaqaya kuwa wali ku taagan fikirka qaldan iney isa soo dhiibaan, waxaan u balan qaadeyna ineysan jiri doonin cid waxyeeleynaysa, waxaa hada garabkeyga midig taagan Cabdi Xasan oo go'aansaday inuu ka tanaasulo fikirkii xagjirnimada ahaa, qof walba oo fikirkiisa camal soo qaatana waa nooga sokeeyo kuwa dhuumaaleysana ee wali qoryaha wata" ayuu yiri Taliye Baakaay.

Sarkaalka isa soo dhiibay Cabdi Xasan Ibraahin oo dhankiisa hadal kooban jeediyay ayaa u mahadceliyay ciidanka dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo uu sheegay iney si wanaagsan u soo dhaweeyeen, isagoona ugu baaqay kuwa la midka ahaa iney isa soo dhiibaan.

Maalmaahii dambe waxaa si weyn usoo kordhaayay saraakiisha iyo shaqsiyaadka ka tirsan kooxda Shabaab oo isku soo dhiibaya ciidamada dowladda iyo kuwa dib u xureynta deegaanka oo ku howlan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.