4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Raysal wasaare Xamse “Musuq maasuqa waa mid ka mid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada"
 

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay Maalinta Caalmiga ah ee la dagaalanka Musuq maasuqa, taasoo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse oo Munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Soomaalya ay bilabeyso kacdoon lagula dagaalamayo Musuq maasuqa si sare loogu qaado hufnaanta iyo isla xisaabtanka, isagoona tilmaamay in Musuq maasuqa uu yahay cudurrada ugu xun ee ku dhaca bulshada iyo dowladnimada kaasoo sababa horumar la’aan dhaqaale.

“Musuqmaasuqa waa mid kamid ah cudurada ugu xun ee ku dhaca dowladnimada, musuqa wuxuu caqabad ku yahay hormar walba ee la sameyn lahaa, wuxuu caqabad ku yahay in laga faa’ideysan waayo kheyraadkii ay bulshada lahayd, bulshada ayuu kala fogeeyaa oo ku kala noolaada laba heer oo kala dheer” ayuu yiri Raysall Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay dardargelin doonto dhisidda hay’adaha iyo shuruucda ladagaalanka Musuq maasuqa ayna ka go'an tahay ciribtirka Musuq maasuqa, isagoona xusay muhiimadda ay leedahay in bulshada iyo dowladda oo wadajira ay la dagaalamaan musuqa.

Gabagabadii Raysal wasaare Xamse ayaa hoosta ka xariiqay in uusan jirin cadaw ka weyn Musuq maasuqa oo haysta dalka marka laga reebo kooxda Shabaab oo ay hada xukuumadda dagaalka kula jirto, iyadoo qorshaha xigana uu noqon doono Kacdoon iyo dagaal ka dhan ah Musuqmaasuqa dalka ragaadiyay.