4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 18, 2022
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay maydka sarkaal sare oo katirsan Alshabaab

Axad, December, 18, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay maydka sarkaal sare oo katirsanaa ururka Alshabaab oo lagu magacaabo, Yuusuf Maxamed Jingaab (Wasiir).

War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee xukuumaddda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in sarkaalkan lagu dilay howlgal ka dhacay tuulada Juxaay oo hoostagta degmada Aadan Yabal.

Wasaaraddu waxay sheegtay, sarkalkaan inuu kamid ahaa xubnaha ugu halista badnaa Alshabaab dhexdooda, islamarkaana uu qaabilsanaa ku marin habaabinta dhallinyarada fikirka xagjirnimada.

Sarkaalkan ayaa isaga ku dhawaad 100 katirsan dagaalamayaasha Alshabaab ku baxay gacanta ciidamada xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah.