4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Ku dhawaad 50 dagaalame oo Al-shabaab looga dilay Tuulada Daarulnicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo ay ka sameeyay tuulada Daarulnicma iyo tuulooyin kale oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo la hadashay warbaahinta qaranka ayaa waxay sheegeen in dhawaad 50 ka mid ah dagaalamayaasha Shabaab lagu ku dilay howlgal ciidamada iskaashanaya ka sameeyeen tuulada Daarulnicma ee gobolka shabeelaha dhexe iyo tuulooyin kale oo hoos taga degmada Aadan Yabaal.

Howlgalkaan lagu dilay dagaalyahanada ka tirsan Shabaab ayaa yimid kadib markii ciidamada is garabsanaya ay weerar ku qaadeen goob ay isku aruursanayeen Ururka Al-shabaab.

Maalmahii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa howlgalo isdaba joog ah ka sameynaayay tuulooyinka iyo deegaanada hoostaga degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha, waxaana xusid mudan in maalin ka hor dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ku dhawaad 100 dagaalame Al-shabaab looga dilay howlgalo ka dhacay tuulada Juxaay oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Aadan Yabaal oo dhawaab Shabaab laga saaray.