4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Yuutuber dhawaan muuqaalo ka duubay magaalada Muqdisho oo Somaliland lagu xidhay
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Yuutuber reer Canada ah oo dhawaan sariflayaasha reer Muqdisho ka duubay muuqaalo uu ku sheegayo in lacagta shillin Soomaaligu tahay mid aan qiimo lahayn, ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargaysa.

Yutuberkan oo Yuutubka kusoo gala magaca "Chris Must List", ayaa xabsiga loo taxaabay xili uu doonayay in uu muuqaalo ka duubo suuqa Hargaysa, muuqaalo baraha bulshada ku baahay ayaa muujinaya Chris oo ciidamo booliis ahi baabuur saarayaan.

Chris ayaa intii uu magaalada Muqdisho ku sugnaa baahiyay muuqaalo uu ku quudhsanayo lacagta shilin Soomaaliga, isaga oo intuu sarif la yaasho booqdo, oo uu hal milyan oo shilin qaato dadka u qaybinayay isaga oo muujinaya in lacagta Soomaaliya tahay, lacag aan qiimo lahayn.

Ma cada in ninkan loo xidhay ka hortag lagu baajinayo  in uu muuqaalo kuwii Muqdisho oo kale ah ka duubo Hargaysa, iyo in lagu haysto arrimo kale oo sharci.

Hada kahor yuutuber ka yimid dalka Ruushka ayaa muuqaalo uu ku liidayo Soomaaliya ka duubay magaalada Muqdisho, muuqaaladaas oo dadka Soomaaliyeed ay si wayn uga fal celiyeen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]