4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in 88 dagaalame Al-shabaab looga dilay gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Jimco, December, 16, 2022 (HOL) - Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgal lagu dilay dagaalameyaal badan oo ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ka dhacay tuulada Juxaay oo hoostagta deegaanka Guulane ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wasiir Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka uu isugu jiray weerar toos ah iyo duqeyn dhanka cirka oo ay fuliyeen ciidanka dowladda Soomaaliya, dadka deegaanka oo garab ka helaya saaxiibada Caalamiga ah, islamarkaana lagu dilay 88 xubnood oo ka mid ah  kooxda Al-shabaab.

" 32 ka mid ah meydadka Shabaab oo meel la isugu aruuray la geeyay waa la aqoonsaday, inta kale lama aqoonaan karin meydadkooda, waxaana lagu duqeyay meel howd ah oo go'doon ah oo ay isku aruursanayeen, duqeynta waxaa fuliyay ciidamada Mareykanka" ayuu yiri Wasiir Al- cadaala.

Wuxuu sidoo kale xusay wasiir Al-cadaala in ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen hub farabadan iyo saanad ciidan oo ay lahayeen kooxda Al-shabaab, islamarkaana ciidanka ay si buuxdo gacanta ugu dhigeen deegaanka Juxaay oo ay haatan ka wadaan howlgalo nadiifin ah.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ururka Al-shabaab oo ku aadan dagaalka iyo duqeynta dowladda Soomaaliya ay sheegatay in lagu gaarsiiyay Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka Juxaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe