4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Al-shabaab oo weeraro ka geysatay deegaano ka tirsan magaalada Mandhera

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhigyo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano hoostaga degmada Mandhera ee gobolka Waqooyi Bari kenya.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weeraray Saldhigyada deegaanada kala ah Waraabeeyo iyo Ilie oo labada ah deegaano ka mid ah magaalada Mandhera, waxaana lasoo wariyay in weerarka koowaad uu ka dhacay deegaanka Ilie, kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ku dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada Kenya deegaanka Ilie ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen 6 ka mid ah askarta Kenya, sida ay warbaahinta  sheegeen dadka deegaankaasi, hayeeshee majirto wali wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Kenya.

Weerarka labaad ayaa dagaalmayaasha Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandheere, waxaana lasoo wariyay in Al-Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen dhismo ay dowladda Kenya ugu tala gashay in doorashada ka dhacdo, hasa ahaatee lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas ka dhacay deegaanka Waraabeeyo.

Weeraradaan Al-shabaab ka geysteen deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kusoo beegmaya xili Maanta dalka Kenya ay ka bilaabatay doorashada Madaxtinnimada dalkaasi Kenya oo dadweynuhu ay codeeynayaan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]