4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 25, 2022
Faahfaahin ku saabsan safarka madaxweyne Xasan sheikh ee Puntland
 

Khamiis, Agoosto, 25, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta laga sugayaa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, halkaas oo uu ku qaadandoono safar saddex cishe iyo ka badan qaadan kara.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarkiisa wuxuu ku qotomaa wanaajinta xiriirka wada shaqaynta Dowladda federalka Soomaaliya iyo Puntland. Waxaa lagu wadaa in labada dhinac ay gaareen heshiis isgarad ah oo lagu xoojinayo wada shaqaynta.

Puntland ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay uu aad u xumaa xiriirka kala dhaxeeyay dowladda federalka, waxayna hormuud ka ahayd isbeddelkii siyaasadeed ee meesha looga saaray dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sida aan xogta ku helnay waxaa safarkiisa qeyb ka ah inuu tago magaalada Bosaso, safarkaas oo ah dhameystirka xalka shaqaaqadii sababtay dhimashada 16 askari ee salka ku haysay is-maandhaaf ka dhashay safar ay Puntland ay ku tagtay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka, Sacdiyo Yaasiin Samatar.

Sida aan xogta ku helnay Puntland iyo dowladda federalka ayaa horey uga heshiiyay arrintan, iyadoo dowladda federalka qaadatay inay bixiso magdhowga askarta ku geeriyootay shaqaaqada.