4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo kormeeray deegaano ku yaala duleedka Baledweyne oo dhawaan ciidanka dowladda la wareegeen


Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehlinayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jenaraal Odawaa Yuusuf iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku tagay deegaano dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baledweyne oo dhawaan ciidanka dowladda fariisimo ka sameysteen.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa ku bogaadiyay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey howlgalada maalmahii lasoo dhaafay sida dardarta leh ay uga wadeen deegaanada u dhaxeeya Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas ee gobolka Hiiraan.

"Waxaan maanta aniga Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed & Saraakiil kale kormeerney fadhiyada kala duwan ee degaanada kala ah Xujuub, Faaf-gumare iyo Baardheere oo ka tirsan gobolka Hiraan. Waxaan geesiyaasha ciidamada XDS iyo ciidamada deegaanka ugu soo hambaliyeeyey guulaha ay ka gaareen howlgaladii dhawaan laga hirgelieyey gobolka hiiraan. Waxaa Gobolada Dalka ka oo dhan ka socon doona howlgalada lagu baacsanaayo Ilmaha Naarta ee cadowga Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Booqashada uu wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ku tagay fadhiyada ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanada dhaca Koonfurta Baledweyne ayaa kusoo beegmeysa, kadib markii ciidamada iskaashanaya howlgalo dhiig badan uu ku daatay ay kula wareegeen degaano dhowr ah oo horay gacanta ugu jiray dagaalamayaasha Al-shabaab.

Gabagabadii wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ciidamada dowladda looga baahan yahay in ay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, Isla markaana aysan ogolaan in Al-Shabaab ay sii heystaan meelo ka mid ah dalka dadkana ay ku dhibaateeyaan.