4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 23, 2022
Maamulka hotel Xayaat oo beeniyay in hotelkooda lagusii diyaariyay Qaraxyada lagu weeraray
 

Talaado, Agoosto, 23, 2022 (HOL) - Maamulka hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in hotel lagusii diyaariyay Qaraxyo iyo dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Cabdulqaadir Maxamuud Nuur Faatul oo kamid ah madaxda hotelka iyo mulkilayaasha ayaa wareysi uu siiyay VOA Soomaali, wuxuu ku sheegay in cid kasta oo hotelka dagta oo aan la garanayn lagu xiro aqoonsi iyo damiin.

“Ma jirto cid hub ku kaydsatay ama degenayd hotelka. Waan maqlayay qaar dhahaayay Malabey ka ganacsanayeen. Aad baan ula soconaa, dhibaatada taaganay kamid tahay,” ayuu yiri Faatul.

Faatul wuxuu sheegay in hotelka uu gaaray burbur uusan kasoo kaban doonin illaa labo sano. Wuxuu ciidamada dowladda ku eedeeyay inay si saaid ah u waxyeeleeyeen hotelka, uuna gebi ahaantiis burburay.

Mas’uulkan ayaa sidoo kale beeniyay war Alshabaab kasoo baxay oo ahaa in hotelka xilliga la weeraray ay joogeen masuuliyiin dowladdeed. Wuxuu sheegay in dadka hotelka joogay ay ahaayeen dad shacab ah oo nasasho u yimid.