4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 22, 2022
Wasiir Mukhtaar Rooboow oo ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab
 

Isniin, Agoosto, 22, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ay dhinacyadiisa fadhiyeen qaar ka mid ah Culimada Muqdisho ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dhibaatada Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Xayaat iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Mukhtaar Rooboow ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo kaashanaya dowladdooda iyo Culimadooda looga baahan yahay iney wajahaan Al-Shabaab, taasina ay keeni doonto in Al-Shabaab fursad u waayaan weerarada ay ka geeysanayaan gudaha dalka.

“Waxaan leeyahay, Dhallinyarada Shabaabka ah, kuwa aan aqaan ee idin soo qalday, ilmahooda Iskuulo iyo Jaamacado ayey Xamar ka dhigtaan ama aduunka kale nolol fiicana waa ku jiraan, yeysan been idin sheegin" ayuu yiri Muqtaar Rooboow.

Wasiir Rooboow ayaa hadalkiisa sii raaciyay in qof walba laga rabo in uu difaacdo naftiisa iyo malkiisa, islamarkaana loo midoobo la dagaalanka Al-Shabaab, isagoona tusaale ugu soo qaatay sida ay ugu midoobeen dadka degan gobolka Hiiraan iyo deegaanada Galmudug oo u kacay la dagaalanka Al-shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Muqtaar Roobow Cali Mansuur ayaa kusoo beegmaya xili Muqdisho uu ka dhacay weerar ay geysteen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, kaasoo in la soo afjaro ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah.