4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 21, 2022
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha ka dhashay weerarkii hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho
 

Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa war rasmi ah kasoo saaray khasaaraha ka dhashay weerarkii qaraxyada Ismiidaaminta ku bilaawday ee qaatay in ka badan 30 saacadood ee Al-shabaab ku galeen gudaha hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in weerarkii saacadaha badan socday uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur gaaray dhismayaal, isagoona sheegay in tirada dhimashada ay xaqiijiyen ay tahay 21 ruux oo dhimasho ah dhaawacuna uu gaarayo 117 ruux.

"Tirada dhimashada weerarkii hotelka Hayaat, inta aan xaqiijinay waa 21 ruux, dhaawacana 117 ruux 15 ka mid ah ayaa dhaawacyadaasi waxay yihiin kuwa dhaawacoodu culus yahay, waxaana siin doono door muhiim ah sidii loola tacali laha cafimaadkooda, waxaan u mahad celinaya dhaqaatiirta u dhabar adeegtay daaweynta dhaawacyada iyo askarta ciidanka xoogga dalka oo isku howlay u gurmashada dadka ku go'doonsana gudaha hotelka Xayaat oo Al-shabaab ka dhax dagaalamayeen " ayuu yiri Dr Cali Xaaji Aadan.

Hadalka Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa imaanaya xili ciidanka dowladda Soomaaliya ay xalay saqdii dhexe soo afjareen dagaalkii ka socday gudaha hotel Xayaat ee qaatay in ka badan 30 saacadood oo xiriir ah, kaasoo u dhaxeeyay xubno ka tirsan Al-shabaabkii gudaha u galay hotelka iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka dowladda Soomaaliya ee sida gaarka ah u tababaran.