4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 21, 2022
Taliye Xijaar: 106 qof oo shacab ah ayaan kasoo badbaadinay weerarka hotel Xayaat

Axad, Agoosto, 21, 2022 (HOL) - Taliyaha guud ee ciiddanka Booliiska Soomaaliya, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in 106 qof oo shacab ah laga soo badbaadiyay weerarkii Shabaab ku qaadeen hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Booliiska oo ka warbixinayay howlgalka ayaa sheegay inay ciidamadu xalay saqdii dhexe ku guulaysteen inay soo afjaraan howgalkaan.

Xijaar, wuxuu ku eedeeyay Alshabab inay laayeen dad u badnaa carruur iyo haween ah. Taliyuhu wuxuu sheegay khasaaraha dadka rayidka ah inuu dhacay saacadihii hore weerarka. Wuxuu tilmaamay inay ciidamadu ku guulaysteen badbaadinta shacabka hotelka ku xayirnaa.

Wuxuu xaqiijiyay inay askar naftooda ku waayeen iyagoo badbaadinayay dadka shacabka. Balse taliyuhu ma sheegin tirada askarta geeriyootay iyo dadka kale ee shacabka ahaa.