4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Xisbiga Waddani oo cambaareeyay imaanshiyaha Yusuf Garaad ee Hargaysa
 

Sabti, Ogosto, 20, 2022 (HOL) - Xisbiga Waddani ayaa kasoo horjeestay imaanshiyaha Yusuf Garaad Cumar ee aaskii abwaan Hadraawi, wuxuuna sheegay in safarkiisu uu meel ka dhac ku yahay qaranimada Somaliland.

Xoghayaha Warfaafinta xisbiga WADDANI Maxammud Aadan Jaamac (Galaal), ayaa qoraal uu ku baahiyay boga Facebook ee xisbiga, ku sheegay in safarka Yusuf Garaad, uu lafjab ku yahay qadiyada iyo dareenka shacabka Somaliland.

"In madaxdii dalka aynu jaarka nahay ee madax-bannaanideena inuga haysta dalkeena loo fasaxo waxay lafajab ku tahay qadiyadeena iyo dareenka shacab weynaha JSL" ayuu yidhi Galaal. "Joogitaanka Yuusuf Garaad oo xil u haya maamulka xamar ka jira waxay meel ka dhac ku tahay shuhadadeenii xoriyadda umadda naftooda u huray".

Waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay aaska abwaan Hadraawi ugu gabatay in ay burburiso heshiiska ay umada reer Somaliland gaadhay ee Somaliland lagu dhisay. Waxa uu sheegay in xukuumada madaxweyne Biixi ay doonayso in ay furto albaabo aan la aqbali karin.

Yusuf Garaad Cumar ayaa ah u qayb samaha dowlada Soomaaliya u qaabilsan Badda Cas, wuxuuna hore usoo noqday wasiirka arrimaha dibadda.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]