4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka Hiiraan
 

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, ayaa boggaadiyay howlgalada ciidanka xoogga dalka ay ka fuliyeen gobalka Hiiraan oo ka tirsan mamulka Hir-Shabelle.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay in dowladdu ku howlan tahay qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynayo Alshabaab.  Wuxuu soo dhoweeyay in Alshabaab haatan laga xorreeyay deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan.

“Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, hees iyo deegaannada ku xeeran,”ayuu yiri wasiirku.

Hadalka wasiirka gaashaandhigga ayaa kusoo aaday xilli maalmihii ugu dambeeyay ciidamada xoogga dalka, kuwa maamulka Hirshabeelle iyo ciidamada Mucaawisleyda ay ku guulaysteen inay Alshabaab ka xorreeyaan illaa toban deegaan.

Dowladda Maraykanka ayaa howlgalladan kaga qeyb qaadanaysay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ku beegsanaysay farriisimaha ururka Alshabaab ay ku leeyihiin deegaannada gobolka Hiiraan.