4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Maxakamada Degmada Hargaysa oo siidaysay sarkaal sare oo xisbiga Waddani ka tirsan
 

Sabti, Ogosto, 20, 2022 (HOL) - Maxkamada Degmada Hargaysa, ayaa sii daysay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Waddani Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi Xamarje, kadib markii uu iibsaday xadhig 2 bilood ah oo lagu xukumay.

Xamarje ayaa la xidhay 11 August, xili uu ka qaybgalayay bannaanbixii xisbiyada mucaaradka, waxaana lagu helay danbi ah in uu sitay baastoolad sharci daro ah, sidaa darteedna waxa lagu xukumay 2 bilood oo xadhig ah, xadhigaasi oo uu iibsaday.

Hoos ka akhriso qoraalka maxkamada oo faah faahsan:-

Ilays News

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]