4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 20, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo weli ku howlan soo afjarida weerarka Hotel Xayaat

Sabti, Agoosto, 20, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda federalka ayaa weli ku howlan soo afjarida weerarka lagu qaaday hotel Xayaat ee magaalada Muqisho, halkaas oo lllaa iyo xalay ay ka dagaalamayeen dagaalamayaal katirsan Alshabaab.

Khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh ayaa lasoo sheegayaa, iyadoo dableyda Alshabaab oo adeegsanaya bombaanooyin iyo rasaas ay illaa iyo xalay ka dagaalamayeen hotelka, halkaas oo ay ku dileen dad badan oo shacab ah.

Illaa iyo hadda lama oga tiro-koobka dadka ku geeriyooday weerarkan oo ah midkii ugu waqtiga dheeraa soo afjaridiisa marka loo eego weerarrada sanaddihii ugu dambeeyay ka dhacayay Muqdisho.

Saraakiisha ku dhaawacmay weerarkan waxaa kamid ah taliyihii ciiddanka NISA ee gobolka Banaadir Muxiyadiin Warbac iyo sarkaal lagu magacaabo Mahad korow. Waxay ku dhaawacmeen bombo gacmeed shabaabku kasoo tuureen hotelka dushiisa.

Laamaha amnigu weli si rasmi ah uguma hadlin weerarkan. Waxaana la filayaa inay goor dhow saxaafada la hadlaan oo ka warbixiyaan khasaaraha ka dashay iyo dadka lasoo badbaadiyay.