4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 2 , 2022
Hoggaamiyahii Ururka Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri oo duqeyn diyaaradeed lagu dilay

Talaado, August, 2, 2022 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in hoggaamiyahii Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri lagu dilay weerar loo adeegsaday Drone oo ay fulisay CIA-da Mareykanka, sida ay xaqiijiyeen saraakiil Amerikaan ah.

Dilka Al-Zawahiri ayaa la sheegay inuu ka dhacay magaalada Kabul ee Caasimada dalka Afghanistan galinkii dambe ee Maalintii Sabtiga ee lasoo dhaafay.

Hoggaamiyahan la dilay ayaa dowlada Mareykanka mudo aad u dheer ay ku raad joogtay sidii ay u khaarajin laheyd, kaasoo xilka kala wareegay hoggaamiyahii aas aasay Ururka Al-qaacida Osama Bin Laden 2-dii bishii May sanakii 2011-kii xiligaas oo la dilay Osama Bin Laden.

Saraakiisha Ameerikaanka ee la halay Warbaahinta waxay sheegeen in marka la dilaayay Azawahiri inuu taagna Balakoonka guriga uu ku noola oo ku yaalay magaalada kabul oo si toos ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ugu dhufteen laba gantaal.

Geerida hoggaamiyaha Al-qaacida Ayman Al-Zawahiri ayaa imaneysa 11 sano kadib markii Mareykanka ay weerar ka dhacay dalka Pakistan ku dileen hoggaamiyihii hore ee Al-Qacida Osama Bin Laden.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]