4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 17, 2022
Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Maanta la wareegay deegaanka Ceel La Helay ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, Agoosto, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Macawiisleeyda ayaa Maanta dagaal kula wareegay deegaanka Ceel la Helay oo 20 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ciidamada iskaashanaya ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab ka waday deegaanada dhaca Waqooyiga iyo Bariga gobolka Hiiraan, waxaana howgalada ciidanka qeyb ka ah Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya, wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka Maanta dhexmaray ciidamada is garabsanaya iyo kuwa Al-shabaab oo sanadahii ugu dambeeyay ka talinaayay deegaanka Ceel lahele oo Maanta lagala wareegay.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku bogaadiyey dadka shacabka ee ku sugan deegaanada gobolka Hiiraan oo ay ciidamada dowladda howlgalada ka wadaan iney xoojiyaan la shaqeynta ciidamada dowladda Soomaaliya si Al-shabaab looga saaro meelaha ay ka joogaan gobolka Hiiraan.

Maalmahii ugu dambeeyay waxaa si weyn u xoogeystay howgalka ka dhan ah Al-shabaab oo ay gobolka Hiiraan ka wadaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda, waxaana ciidankaasi u suurta gashay iney Al-shabaab kala wareegaan in ka badan 10 deegaan oo ay horay uga talin jireen Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]