4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 16, 2022
Guddoomiyaha ONLF oo ka hadlay xaaladda galbeedka gobolka Sitti iyo Ururka Al Shabaab
 

Talaado, Agoosto, 16, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi (Maadey) ka hadlayay xafladda sannad guuradii 38aad ee kasoo wareegtay wakhtigii la aasaasay ONLF, oo lagu qabtay magaalada Jigjiga ayaa ka hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid tahay arrinta galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida.

Guddoomiyuhu wuxuu si adag uga hadlay xasuuqyada inta badan loogaysto shacabka ku dhaqan galbeedka gobolka Siti, gaar ahaan kuwii laga soo barakiciyay magaalooyinkii ay dhawaan Canfartu la wareegtay ee Cundhufo, Danlahelay, Garbaciise iyo Caddeytu, isagoo sheegay in arrimahaasi ay masuuliyadeeda qaadayso dowladda Itoobiya.

"Dowladda Itoobiya iyadaa masuul ka ah waxa ka dhacay Cundhufo iyo Caddeytu, dadkan hadday Itoobiya ka tirsan yihiin maxaa hortooda loogu laynayaa, anagoo Al Shabaab la dagaalamayna maxaa dhabarka nalooga tookanayaa, ma aqbalayno taas. Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed waxaan u haysanaa waxa ka dhacay halkaas" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Dhinaca kale Guddoomiye Maadey waxa uu ka hadlay heshiiskii ay hadda ka hor wada galeen iyaga iyo dowladda Itoobiya, oo uu sheegay inuusan heshiiskaasi waxba ka hirgalin, wuxuuna yiri " ONLF iyo dowladda Itoobiya heshiis bay galeen, warqad ayuuna ku qoran yahay heshiiskaas, walina ma girgalin heshiiskaas, waan ku kari waynay dowladda Itoobiya inay heshiiskaas hirgaliso, boqolkiiba hal ayay ka hirgalisay, taas oo ah xabbad joojintii iyo degaankii xabbada laga joojiyo".

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in ka ONLF ahaan aysan ka hadhayn xaqa aaya katashiga shacabka degaanka Soomaalida, iyo waliba in shacabku xaq u leeyihiin inay iyagu tashadaan oo xitaa Madaxweynaha iyagu soo doortaan ee aan laga keenin Addis Ababa, isaguu yiri " Mustafe cagjar waa inuu awoodda isagu leeyahay, waa inaan anagu dooranaa ee ma aha in Addis Ababa laga soo doorto.

Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay Ururka Al-Shabaab, iyo duullaankii ay dhawaan kusoo qaaday degaanka Soomaalida, isagoo sheegay in degaanka Soomaalidu ay leeyihiin Shacabka degaanka Soomaalida, Al Shabaabna aan loo oggolaanayn inay degaanka Soomaalida soo gasho.

"Al-Shabaab waxay u socotaa oo ay rabtaa in Soomaaliya iyo dowlad degaanka Soomaalidaba ay guumaysato oo la yiraahdo Argagaxiso ayaa waddanka ka jirta oo Mareekan iyo Yurub ay kusoo duulaan, ma oggolaanayno taas Al Shabaabna waan iska celinaynaa" ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi Maadey.

Hadalladan Guddoomiyaha ayaa kusoo hagaagaya xilli dhibaato daran ay ka jirto galbeedka Siti, shacab tiro badana ay halkaasi kasoo barakaceen isla markaana aysan wali helin gurmad ku filan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]