4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Puntaland oo xukun dil ah mar kale ku riday shabakad katirsan ururka Daacish
 

Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Maxkamadda racfaanka gobolka Bari ee Puntland, ayaa xukun dil ah ku riday shabakad ka kooban afar nin oo horey loogu xukumay dil toogasho, kuwaas oo katirsanaa ururka Daacish.

Maxkamadda racfaanka gobolka Bari, ayaa raggaan ku heshay dambi ah inay masuul ka ahaayeen qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo magaalada Bosaso ka dhacay.

Raggaan oo xukunkii hore ka qaatay racfaan, ayaa mar kale lagu riday isla xukunkii hore, kadib markii maxkamadda racfaanku ay ayiday go’aankii bishii hore ay riday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xukumayaasha ayaa wareysiyo muuqaal oo ay bixiyeen waxay ku qirteen dambiyada lagu eedeeyay, iyagoo qaar kamid ah horey uga tirsanaa ururka Alshabaab.

Maxkamaddu waxay kiiskiisa dib u dhigtay Cabdiririxmaan Shirwac Ciise (Laahoor) oo maqane ahaa horayna ugu jiray eedeysanaaashii Maxkamaddu ku xukuntay dilka toogasho.

Xukumanayaasha waxaa lagu kala magacaba:-

Jaamac Aadan Cabdiririxman (Tusbaxle) madaxa shabakadda.

Ayuub Cumar Shire.

Cabdulahi Salaad Boos (Mahoonge).

Maxamuud Abshir Muuse (Olyo).