4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 13, 2022
Dowladda Imaaraatka Carabta oo Muqdisho geysay markab siday 1,000 tan oo raashin mucaawino ah
 

Sabti, Agoosto, 13, 2022 (HOL) - Markab gargaar oo laga leeyahay Imaaraadka ayaa ku soo xirtay dekedda magaalada Muqdisho si uu u gaarsiiyo 1,000 tan oo sahay cunto ah oo loogu talagalay ku dhawaad 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al-Nahyan ayaa horay u amray bixinta 35 milyan oo dirham oo gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah in loo diro qoysaska ku barakacay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Imaaraatka ayaa sheegay inay ka go’an tahay in ay caawiyaan dalalka saaxiibka ah iyo dadaallada ay ku horumarinayaan xiriirka laba geesoodka ah ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, sida ay horay u sheegtay wakaaladda wararka ee dalkaas.

Soomaaliya waxaa ka jirta abaar laba sano jirsatay oo aan horey loo arag in ka badan 40 sano. Dad gaaraya hal milyan oo qof ayaa ku barakacay, iyadoo abaaruhu ay halakeeyeen dalagyadii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen xoola dhaqatada iyo beeralayda.