4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 30, 2022
Guddoomiyaha barlamaanka 11aad ee Soomaaliya oo maanta xilkiisa la wareegay
 

Sabti, April, 30, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka 11-aad Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta kulankiisa ugu horeeyey shir guddomiyey wuxuuna Maanta uu xilka kala wareegay Guddomiyihii hore Baarlamankii 10-aad Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu barlamaanku ku shaqayndoono si daacad ah oo dastuurka waafaqsan, si dalka looga saaro marxalada uu ku sugan yahay.

Wuxuu sheegay inuu barlamaanku sixidoono wax kaste oo horyaalla marka ay dib ugasoo laabtaan fasaxa Ciidda kadib.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in 4ta bisha May uu barlamaanku ansixin doono miisaaniyada dalka iyo doorashada gudigii qaban lahaa doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa maanta fasax galiyay xildhibaannada golaha shacabka, si ay xildhibaannadu ugusoo diyaar garoobaan howlaha culus ee horyaalla.

Maanta ayay ahayd markii xildhibaannada lagusoo doortay gobolka Gedo ay buuq ka sameeyay xarunta barlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku dooday inay ku fadhiyaan sharciyad waafaqsan heshiiskii doorasho ee 17 september.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]