4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 27, 2022
Labo Musharrax oo ka tanaasulay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha golaha shacabka
 

Arbaco, April, 27, 2022 (HOL) - Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur Saransoor iyo xildhibaan Cabdullaahi Aadan Black oo kamid ahaa afarta xildhibaan ee usoo gudbay wareegga labaad ee doorashada guddoomiyaha barlamaanka ayaa ka tanaasulay tartanka doorashada sida ay shaaciyeen.

newsinisdeLabadan xildhibaan ayaa sheegay inay u tanaasuleen Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxayna xildhibaannada codka siiyay ugu baaqeen inay isbedel u horseedaan dalka.

Tanaasulkooda ayaa ka dhigan inay doorashada isugusoo hareen labada musharrax ee kala ah, Sheikh Aadan Madoobe oo wareeggii koowaad helay 74 cod iyo Xasan Cabdinuur oo helay 98 cod.

Labadan musharrax ayaa wareegga labaad ku kala bixidoona codka hal dheerida ah, waxaana midkii soo baxa uu noqondoonaa guddoomiyaha barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]