4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 26, 2022
Booliiska Soomaaliya oo iska fogeeyay inay carqaladayn ku hayaan howlaha barlamaanka
 

Talaado, April, 26, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Guddiga Amniga Doorashooyinka S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa beeniyey eedo loo jeediyey Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku saabsan in carqaladayn ku hayaan howlaha barlamaanka.

Qoraal kasoo baxay taliyaha ciiddanka Booliiska ayaa lagu sheegay in ciiddanka booliiska uusan hor istaagin in barlamaanku ku shaqeeyo teendhada Afisyooni. Waxaa kaloo booliisku wax laga xumaado ku tilmaamay wararka sheeegay inay handadeen guddoomiyaha barlamaanka.

Taliye Xijaar ayaa sheegay in shalay ciidamada booliisku u xireen Afisyooni u diyaar garowga doorashada aqalka sare ee maanta qabsoomtay, wuxuuna sheegay in ciidamadu shaqadooda ay tahay sugida amniga.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]