4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 19, 2022
Guddoomiyaha ONLF " Tacaddiyadii laga galay Shacabka degaanka Soomaalida waa in ay qayb ka noqdaan wadatashiga Qaran"
 

Talaado, April, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi maaday oo waraysi siiyay BBCda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degaanka Soomaalida, iyo waliba arrimo ay kamid yihiin aragtida ka urur ahaan ay ka qabaan kulanka wadatashiga Qaran ee Itoobiya dhawaan lagu qabanayo.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay kulanka wadatashiga Qaran ee dhawaan Itoobiya ka dhacaya, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in kulankaas lagu soo daro ajandaha ah in lagaga hadlo tacadiyadii iyo dambiyadii laga galay shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

" Itoobiya waxay dambiyo ka gashay shacabka dowlad degaanka Soomaalida, dad aad u badan oo degaanka Soomaalida u dhashay ayaan la ogayn meel lageeyay, haween badan ayaa kufsi loogaystay, sidoo kale caruur badan oo la agoomeeyay ayaa meel walba jooga, dhammaan  dambiyadaasina waa mid la diiwaan galiyay oo caddaymaheeda la hayo" ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Abdiraxman Maadey.

Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay xariga Madaxwaynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku tilmaamay xarig siyaasadaysan, isagoo xusay in Cabdi Iley uu dhibaato ka gaystay degaanka Soomaalida, balse tacaddiyadii kala duwanaa ee degaanka ka dhacayay ay masuuliyadeeda lahaayeen maamulkii xilligaa Itoobiya ka talinayay.

" Anagu ma odhanayno Cabdi Iley dambi ma galin, laakiin aaway madaxdii federalka ee xilligaa amarka bixinayay, badankood Addis Ababa ayay iska joogaan, taa waa midda aanu u leenahay xarigga Cabdi Iley waxa uu ahaa mid siyaasadaysan" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Mar wax laga waydiiyay arrinka go'itaanka ee inta badan hadafka u ah ONLF, waxa uu guddoomiye Maadey sheegay inaysan dambi ahayn gooni isutaaggu, " Gooni isutaaggu dambi ma aha, haddii shacabka dowlad degaanka Soomaalidu u baahdaan inay gooni uga go'aan Itoobiya, waxay codsan karaan afti dadwayne oo waafaqsan dastuurka dalka uyaala".

Ugu dambayn waxa uu guddoomiyuhu xusay in haddii shacabka dowlad degaanka Soomaalidu xaqooda iyo karaamadooda ka waayaan Itoobiya, ay xaq u leeyihiin inay ka go'aan Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]