4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 16, 2022
Soomaaliya oo loo doortay guddoomiyaha ururka horumarinta beeraha ee jaamacada Carabta

Sabti, April, 16, 2022 (HOL) - Soomaaliya ayaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Horumarinta Beeraha Carabta ee Jaamacadda Carabta labada sano ee soo socota.

Wasiirka beeraha iyo waraabka Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa Soomaaaliya ku matalayay Shirweynaha 37aad ee lagu doortay oo lagu qabtay magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania.

Ururka Carabta ee Horumarinta Beeraha (AOAD) waa urur xiriir la leh ururka Jaamacadda Carabta oo shaqadiisa bilaabay 1972, xaruntiisuna tahay magaalada Khartoum ee dalka Suudaan.

Ururkan ayaa waxa uu gacan ka geystaa abuurista iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya wadamada Carabta iyo isku dubaridka iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada kala duwan iyo hawlaha beeraha.

Ujeeddada guud ee loo aas aasay waa in kor loo qaado awoodda dadyowga Carbeed si ay u ilaashadaan una joogteeyaan kheyraadkooda dabiiciga ah una ilaashadaan madax-banaanidooda, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen colaadaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online