4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Taliyihii ciiddanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo xilkiisii iska casilay
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Taliyihii ciiddanka asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii taliyaha, kadib markii uu ku biiray aqalka hoose ee barlamaanka Soomaaliya.

Gen, Mahad wuxuu sheegay inuu xilkii ku wareejiyay taliye ku xigeenka ciiddanka asluubta Soomaaliya, islamarkaana uu haatan isku diyaarinayo in loogu dhaariyo barlamaanka.  

Dhinaca kale, Taliyihii hore ee ciiddanka asluubta ayaa beeniyay wararka laga faafiyay oo ku saabsan in madaxweyne Farmaajo uu doonayay inay xilka sii joogaan taliyayaasha ciidamada ee ku biiray barlamaanka, inta ay doorashadu ka dhamaanayso.

“Wuxuu rabaa ciiddanka asluubta iyo inuu isku haysto barlamaanka, been weeye. Ciiddanka asluubta anaa ka tagay, cidna igama wadin, barlamaan ayaan noqday. Barlamaanka hala igu tiriyo,” ayuu yiri xildhibaan Mahad.

Taliyihii hore ee ciiddanka asluubta ayaa kamid ah xildhibaannada lagasoo doortay Koonfur Galbeed. Kama uusan qeyb galin dhaarintii khamiistii shalay, waxaana lagu tiriyaa dadka sida aadka ugu dhow madaxweyne Farmaajo.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online