4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Maamulka Galmudug oo sheegay inay gacan bir ah ku qabanayaan maleyshiyaad dad shacab ah ku laayay dowlad Degaanka Soomaalida
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal maleyshiyaad kasoo jeeda Galmudug ay ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa  tuulada Caleen, oo ka tirsan degmada Shilaabo ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle oo la hadlay BBC Somali, ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin falkaan oo lagu dilay shan qof oo isku qoys ahaa oo ay ku jireen wiil iyo Aabbihiis.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay falkaan inuu dhacay iyada oo loo fadhiyay in lasoo gabagabeeyo colaada u dhaxeysa beelo walaalo ah oo kasoo kala jeeda Galmudug iyo dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Axmed Shire waxa uu sheegay in maamulka Galmudug uu go’aansaday inuu gacan bir ah ku qabto dableyda dilka ka geysatay gudaha dowlad degaanka Soomaalida. Wuxuuna sheegay in ciidamo badan la geeyay aagga colaadu ka jirto, si xaaladda loo xakameeyo.

“Cid walba oo lug ku leh colaadaan, waxaa nooga qorsheysan inaan gacan bir ah ku qabano, iskana kaashano maamulka kale ee deegaanka Soomaalida,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, Ciidamada dowlad  Degaanka Soomaalida ayaa tan iyo markii uu falkaan dhacay waxay ku raad joogeen inay gacanta kusoo dhigaan dableydii ka dambeysay dilka dadka rayidka ah.

Warar ayaa sheegaya in ciidamada Liyuu booliiska ay gudaha usoo galeen qeybo kamid ah gobolka Galgaduud, laakiin maamulka Galmudug ayaa arrintaas beeniyay inay jirto.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online