4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Cabdirashiid Janan: Guddiga doorashada waxay Gedo ka badbaadiyeen inay ku dhacdo matalaaad la’aan
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa soo dhoweeyay go’aankii guddiga doorashada ee uu magaalada Ceelwaaq ugu wareejiyay doorashada kuraastii taalay magaalada Garbahaareey.

Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in gobolka Gedo laga badbaadiyay inay ku dhacdo matalaaad la’aan, isagoo sheegay in guddiga doorashada uu qaatay go’aan wanaagsan oo Gedo looga saarayo jiitanka doorashada.

“Haddii Garbahaareey xoog lagu haysto oo madaxweyne ku xigeenkii ku dhashay loo diidan yahay, hadduu Ceelwaaq imaan karo, oo madaxweynihii Jubbaland imaan karo, oo guddigii doorashada Jubbaland imaan karo, in doorashada lagu qabto wax dhib ah uma arko. Taas waxaa ka xun inay ka haraan barlamaanka Soomaaliyeed, sida maantaba dhaarta uga hareen,” ayuu yiri Cabdirashiid Janan oo wareysi siiyay goobjoog.

Janan ayaa ku eedeeyay Farmaajo iyo hay’adda nabad sugida inay cuuryaamiyeen gobolka Gedo, isagoo sheegay in danahooda gaarka ah u dhibaateeyeen masiirka reer Gedo. Wuxuu sheegay haatan inay quus taagan yihiin cid kasta oo iskudayaysay inay masiirka gobolka Gedo looga taliyo Villada sida uu yiri.

Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland oo sannadkii hore heshiis la galay dowladda islamarkaana ku wareejiyay ciiddankiisii, ayaa hadda u muuqda mid mowqifkiisii uu isbeddelay, isagoo ka hor yimid wax ka socda gobolka Gedo ee madaxweyne Farmaajo ku lug leeyahay.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online