4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 15, 2022
Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyay jadwalka doorashada kuraasta Gedo
 

Jimco, April, 15, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada Jubbaland oo ka duulaya warqad kasoo baxday guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal ee FEIT, ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraasta aqalka hoose ee lagu qabanayo magaalada Ceelwaaq.

Doorashada ayaa la qabanayaa inta u dhaxeysa 18 ka illaa 27-ka bishaan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddiga doorashada jubbaland.

Jadwalkaan ayaa kusoo beegmay saacaddo kadib markii lagu dhawaaqay in magaalada Ceelwaaq loo wareejiyay doorashada kuraastiii taalay magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Guddiga doorashada heer federal ayaa sheegay in aan Garbahaareey lagu qaban karin doorasho, iyagoo u sabeeyay inaan la isku halayn karin amni ahaan, ayna adag tahay inay halkaas ku shaqeeyaan guddiga doorashada Jubbaland.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online