4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo si kulul u eedeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya
 

Khamiis, April, 14, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle oo goordhaw shir jaraa'id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa si kulul ugu eedeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya inuu caqabad ku yahay horumarka guud ahaan dalka, gaar ahaana maamulka Hirshabeelle.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu siduu doono isaga maamulanayo guddiga doorashada heer Fedaraal, islamarkaana uu ku xad gubay nidaamka dowladninada dalka.

"Roobloow waxaad doorashooyinkii Xamar ka dhacay aad ka sameysatay oo xishood darada ahaa waa la wada ogyahay, kursig HOP 086, waxaad ku haysata dulmi, cadaaladda daro iyo Qabiil, sababto ah habraacyadii sharciga ahaa wuu soo maray kursiga oo waxaa dooratay 101 ruux oo beesha kursiga iska leh ah, waxaana ku tartamay laba ruux, madaxda Hirshabeelle ayaana marqaati ka ah"ayuu yiri Yuusuf Dabageed.

Waxuu intaasi ku daray madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed in Raysal wasaaraha Soomaaliya uusan ka hadlin doorashooyinkii ka dhacay Galmudug, Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay iney qaarkood ahayeen kuwa aanan loo marin habraaci saxda ahaa ee doorashooyinka, islamarkaana kursiga HOP 086 oo uu habraacisu dhameystiran yahay diiday.

"Rooble waa shaqsi haatan ay ku cusub tahay marxaladahii qabiilka ee laga soo gudbay, waxaan leeyahay waxaasi waa laga soo gudbay ee haku mashquulin, Galmudug iyagoo dhexdooda dagaalamaya inaad ciidan iyo hub u geyso oo Geel u qasho, Baledweynana oo habeen kasta Hoobiyeyaal Shabaab kusoo tuuran ciidankii la geeyay aad tiri halaga soo celiyo, wax la qaadan karo maahan" ayuu yiri Dabageed.

Hadalkaan kasoo yeeray Dabageed ee uu ku weeraray Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa u muuqda mid uu ku difaacayo kursiga Fahad Yaasiin ee Hop 086, kaaso guddiga doorashada heer Fedaraal ay sheegeen in dib loogu noqonayo doorashada kursigaas oo 20-kii bishii Febraayo ka dhacday Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online